Make your own free website on Tripod.com

taariikhda M.yaxye sh, ismaaciil

boga jacaylka | boga diinta | boga abwaaniinta | sawirada | boga cayaaraha | Our Policies | About Us | New Page Title

Add your logo here

Maanta oo ay tahay maalin isiinah taariikhduna ay tahay02-01-2006 waxaan dadwaynaha ugu bushaaraynaynaa in laguu sameeya web site aad ka heli karto wax kasta oo aad u baahan tihiin taas oo ay idii diyaar yihiin dad khibrad u leh fulinta dalabadka dadwaynaha oo ay ilaa hada ku hawlan yihiin samaynta ama diyaarinta mada daaladiina.
hadaba waxaan dhamaan dadwaynaha ka codsanaynaa wixii afkaar ah ee aad haysaan ama dhaliil ah waxaad nagala soo xidhiidhaan cinwaanada hoos ku xussan
1.yaxye1985@hotmail.com
 
 

Running a business is never easy, but building an effective web site can often make a huge difference in increasing sales, responsiveness, and customer satisfaction.

We'll use this site to provide the background for our business and explain the goods or services we have to offer. People don't want to spend time figuring out what a business does, so our home page will highlight the most important features of both our business and our web site. We'll think of the home page as a kind of portal, giving customers the information they want at a glance, and offering lots of links to draw them in to the rest of the site.

For example, we might feature a different item on the home page each month, along with a link to our products page where you can find more information on the product.

Here we may display a picture of this month's special:

cdgreyscale.jpg
Blank CDs: 20% off
Please get in touch to offer comments and join our mailing list for sales and specials!

You can e-mail us at:
info@ourcompany.com

soo diyaariye yaxye sh. ismaaciil sh. xassan

waxaad kalasoo xidhiidhi kartaa yaxye1985@hotmail.com ama yaxye1985@yahoo.com

Abshir Bacadle

 
Dhegeysi
Qoraal
Qaadaw adigaa leh Qaadaw adigaa leh
Dibu heshiisiin Dibu heshiisiin
Hororka aashiina
Quratul cayni
Xigmad gabay
Gabaygu sow maaha
Jawaabtii Qudubi  
Alle mahad leh
Suugaan maqal ah
Suugaan Qoraal ah
 

 

Taageer Socdaalka Nabadda
Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) waa hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood. Maansadiisu waa dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo. Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo,

Wuxuu Hadraawi la jaal yahay dadka maxaysatada ah iyo kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba, dhaca, yasa, xaqira, dadka is waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga. Halkan Riix

Suugaantiisa oo dhegeysi ah
Togdheer Hadraawi ?
Jeetama Indho badan
Dhahar Daba huwan
Jacayl dhiig ma lagu qoray Debedyaal
Hal-abuur Sirta nolosha 
Hablaha geeska bari Hambaber
Fido Bulsho
Waxyi
Heego muuqdheer
 

 

 

HORDHAC BUUGGA


‘HAL-KA-HALEEL’

Waxaannu dadka xiiseeya suugaanta iyo taariikhda soomaalida, gaar ahaan sooyaalka Hadraawi iyo suugaantiisa ugu bishaaraynayaa in uu soo baxay buug cusub oo ammuurahaas si qota-dheer uga xog warramaya, buuggaas oo beryahanba loo dheg taagayey soo bixitaankiisa, ayaa hadda u diyaar ah inay kulmaan dhaayaha akhristayaasha.

Waxa uu buuggani la magac baxay Hal Ka Haleel, waxanu ku saabsan yahay Sooyaal-nololeedka iyo Suugaanta Hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Buuggu waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo muhiim ah. Qaybta hore waxa ay ka hadlaysaa barbaaritaankii carruurnimo ee maansa-yahanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo hanaqaadkiisii, dhalashadii iyo soo if-baxii hal-abuurkiisa suugaaneed, caan-baxa magaciisa abwaannimo iyo saamayntii maansadiisu ay bilowgiiba ku yeelatay dadka soomaalida, xadhiggii iyo noloshii xabsigii uu ku xidhnaan jirey ee Qansax dheere sannadihii 1973 - 1978. Waxa qaybtan lagula kulmayaa dheegag-suugaaneed ka mid ah maansooyinka Hadraawi, tusaale ahaanna loo adeegsanayo, la iskuna deyayo in wax lagaga tibaaxo curashadii maansooyinkaas iyo waxa ay ka hadlayaan ee ay abbaartoodu daarran tahay.

Waxa ka mid ah maansooyinka wax laga soo qaatay ee qaybtan ku jira Maansooyinka: Baaq oo ka hadlaysa barwaaqada iyo bilicda dhulka, Ergadii Furqaan oo ku saabsan dhalashadii Nebi Maxamed NNKH, soo if-bixii iyo fiditaankii Diinta Islaamka, heesta Jacayl Dhiig ma lagu Qoray oo iyana daboolaysa kaalinta bad-weynta cishqiga ee Hadraawi. Waxa kale oo halkan laga helayaa heesta mugga weyn ee Hooyo iyo sidii ay ku curatay. Waxa kale oo ka mid ah heesta Toddobaatan Midabley oo ka mid ah, una taagan suugaanta iinta iyo dhalliisha yeelan karta ee Hadraawi hal-abuuray iyo faaqidaad ku saabsan muran iyo dood ka oogmi kara maansooyinka Hadraawi tixo ka mid ah meelaha qaarkood. Waxa kale oo qaybtan 1aad ee buuggan Hal ka haleel ku jirta maansada Tuke Baal Cad oo ka mid ah maansooyinkii Hadraawi xabsiga ku hal-aaburay xilligii uu xidhnaa. Waxa kale oo iyana qaybtan wax lagaga xusayaa Riwaayadihii Hadraawi ee Hadimo, Reer Ba’ow yaa ku leh, Aqoon iyo Af-garad, Tawaawac (Hal la qalay) iyo riwaayaddii Carwo.

Maansooyinka kale ee qaybtani xambaarsan tahay waxa ka mid ah maansooyin xulitaan ahaan uga soo jeeda maansooyinkii abwaanka ee curashadoodu ku qummanayd tobanlihii 1980-1990. Waxa sannadahaas curtay maansooyinka ugu badan ee Hadraawi, waxana wax laga soo qaatay oo qaybtan lagula kulmayaa sagaal maanso oo meel mug weyn leh ka fadhiista suugaanta Hadraawi, waxanay kala yihiin tixaha: Heeliyo, Hambaber (Hargeysi ma Toostay), Bulsho, Dibad-yaal, Dhahar, Dallaalimo, Sirta Nolosha, Daalalley iyo Gud-gude.

Waxa maansooyinkan qalinku u hororsaday kulansanaanta baaxad-weynida ujeeddooyinka ay ka hadlayaan dhacdooyin ahaan (dhinac murtiyeed iyo mid farshaxanba) iyo xilliga uu soo bixitaankoodu ku tusmaysan yahay iyo duruufihii jirey ee ku xidhiidhsanaa waayadii maansooyinkaasi ka dhasheen. Waxa maansooyinkani si sokeeyennimo ah uga hadlayaan xaaladihii sii murgayey ee wacaashii waayadaas ee dadka iyo dalku ku sugnaayeen, waxa ay xidhiidh dhow la leeyihiin dareenkii dadka ee wakhtiyadaas, waxanay sii oddorosayeen oo wax ka tilmaamayeen ifafaalayaashii ay waayahaasi soo gelbinayeen.

Meerisyada ugu dambeeya ee qaybtan ayaa waxa loogu tegayaa dheeg faaqidaad ah oo ku saabsan Shakhsiyadda Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), kaas oo soore u ah labada qaybood ee uu buuggani ka kooban yahay.

Qaybta labaad ee buuggan Hal Ka Haleel ayaa waxa ku dhan siddeed maanso oo uu abwaanku curiyey saddexdii sannadood ee ugu horreeyey nuskii dambe ee tobanlihii 90-aadka (1995-1998). Waa siddeed maanso oo ka duwan maansooyinkii hore ee Hadraawi marka la eego nuxurka, ujeeddada iyo hogga ay ku biyo shubayaan. Maansooyinkan waxa buuggu ugu yeedhayaa maansooyinka Run ku sii durugga ah, sababtuna waa xogta ay ka hadlayaan oo ku saabsan runta nolosha ka dhex jirta, cusaybnimada jidka ay raacayaan iyo ujeeddada ay u socdaan ee ay soo bandhigayaan oo lafteedu shafka dhiganaysa degaan cusub marka loo eego halkii ay salka dhigan jireen maansooyinkii hore ee abwaanku.

Maansooyinka hore ee Maxamed Ibraahim Warsame waxa ay tumaatiyi jireen halgaad ahaan maamulladii waddanka ka jirey iyo shakhsiyaadkii mayalka u hayey hoggaamintooda. Iyaga ayaa maansooyinku u arkayeen ibtilada iyo sharka laga ledi waayey oo dhan, waxana xalku ula muuqan jirey in hebelladaas meesha laga tuuro, laguna beddelo hebello kale oo dhaami kara. Hase yeeshee waxa maansooyinkan cusubi ka hor imanayaan aragtidaas hore. Uma arkaan mushkiladdu in ay tahay mid u baahan in hebello lagu beddelo hebello kale, waxase maansooyinkan cusubi dhibaatada u arkaan aragtida iyo waxa la cuskanayo ee la aaminsan yahay, laguna shaqaynayo ee la qabbaansanayo si loo noolaado. Waxa beddelaadda u baahanina aanu ahayn hebelka ee uu yahay nidaamka, dhaqanka, fikirka adduun-arag iyo fahamka nolosha.

Siddeedda maanso ee cusub ee buuggan qaybtiisa labaad waxa ay ka dhasheen daraaseyn uu maansooluhu sameeyey oo ku saabsan sida ay u dux beeshay, basaastuna u dul fuushay ee loo dumiyey noloshii dhabta ahayd ee soomaalida iyo aragtideedii xaqa ahayd, loona dhiirri geliyey ee loo abuuray nolosha khaldan ee maanta iyo aragtideeda baaddilka ku salaysan ee laga dab qaadanayo. Siddeeddaas maanso waxa ay kala yihiin: Daba-Huwan, Badbaado, Hal iyo Halkiis, Suubban, Adduunyadu waa Besteed, Af-ku-Siran, Rag Siyaasi wada Noqoy iyo Anuun baa Hooyadaa ah. Waxa kale oo buugga baalashiisa dhammaadka loogu tegayaa sawirro ku xidhiidhsan sooyaalka iyo wax-soo-saarka curshaawiga Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).


Run ahaantii Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waa maansoole uu wax-soo-saarkiisa suugeeneed qaro ballaadhan yahay tiro ahaan, baaxad ahaan, nuxur iyo mug- weyni ahaan intaba. Waxa uu muddo soddon sannadood gudahood ah ku hal-abuuray in ka badan boqol maanso oo ku kala duwan nuxurka, ujeeddada iyo abbaarta godka ay ka hadlayaan, kuna kala duwan xilliga, da’da iyo aqoonta uu Hadraawi ku tiriyey. Wax-soo-saarkaas suugaaneed ee ballaadhan ayaa waxa uu HAL KA HALEEL kaga beegmayaa hal ka mid ah boqollaalkiisa hal ee uu ka koobmi karo, waxanu buuggu ka soo jeedaa hollasho ama isku deyitaan kooban oo ku xaddidan dedaal qofeed oo kelinnimo oo yeelan kara duruufihiisa, dhalliilihiisa, gol-daloolladiisa iyo qabyo-tir la’aantiisa intaba. Hase yeeshee waxaan ku han-weynahay in buuggani Hal-ka-haleel wax weyn ku biirin doono kobcinta iyo hourmarinta qoraal gelinta af-soomaaliga iyo suugaanta soomaalida. Haddaba bad-weynta baaca iyo gunta dheer ee kakan ee hal-abuurka Hadraawi ayaa doorkan laga haleelay inta buuggan urursani ka kooban yahay. Waana taas sababta uu ku yimi magacan Hal Ka Haleel ee buuggu, hana moogaan in aad nala dhaayo-dhugato, akhrido, faallayso, falanqayso oo nala faaqiddo buuggan HAL-KA-HALEEL ee hortaada yaalla.


Qoraaga Buugga
Maxamed Baash

soodiyaarin tii mutafe sheekh is maaciil by shimaali5@hotmail.com

taariikhdii hadwari

Markii uu dhameeyey dugsigaa ayuu Cadan kaga shaqeeyey macallinimo, mudo laba sanadood an. 1967 ayuu Cadan ka soo guurey una soo kicitimey xagga Somalia. Waxa uu cagaha soo dhigay magaalada Muqdisho, halkaas ayuu ka billaabey shaqadii ugu horeysey, wuxuuna boos ka qabtey Wasaarada Warfaafinta sanadku markuu ahaa 1969kii, kumase raagin. 1971-kii ayuu shaqadiisi ugu horeysay ee rasmiga ahayd ka billaabay Wasaarada Waxbarashada, isagoo macallin ka noqday Dugsiga Hoose/Dhexe/Sare oo ku dhex yaaley Dugsiga Hoyga Nolosha ee Lafoole(Afgooye), isla wakhtigaas oo uu ku qaadanayey daraasada tababarka macallinimada machadkakii Macallinimada ee Lafoole(N.T.E.C).

Kartidiisa Hal-abuurnimo markii ugu horeysey ee uu soo shaac baxo, waxay ahayd intii aanu Cadan ka soo tegin. 1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday "Hadimo" hase yeeshee wuxuu si fiican ugu doob dillaacsaday, maansadiisuna caan baxday intii uu u soo wareegey Soomaaliya. Gaar ahaana intii ku sinayd 1970-nadii. Wakhtigaas oo ay soo shaac baxeen heesaha tirada badan ee aadna looga helay soona jiitey dhegaha dadka Somaliyeed, kiciyeyna dareenka dadka. Wuxu noqday nin suugaantiisu si gaar ah u taabato dadka dhegahooda, muranna ka dhex dhalisa dadka dhexdooda si gooniyana oo dhadhansado, had iyo jeerna laga soo daayo Idaacadaha heesihiisa iyo maansooyinkiisa ayna ka heleen bahda warfaafintu.

Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii "Aqoon iyo Afgarad" oo ay u jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii "Siinley" iyo Riwaayadii "Tawaawac" ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen "Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed"

Suugaantiisa waxay noqotay tu si gaar ahaaneed ugu nixisa oo ku abuurta werwer xukunkii kaligii taliyaha ahaa ee Siyaad Barre, sidaas darteed ayaa ha'adaha cadaadiska iyo cabbudhinta uu u daba dhigay oo ay had iyo jeer daba taagnaayeen, Ka dib maansadii "Siinley" iyo Riwaayadii "Tawaawac" iyo sababa kale oo maansooyinkiisa la xidhiidha ayaa 11.Novenber.1973-gii loo taxaabay xabsiga, waxaa la geeyey Qansax Dheere (Gobolka Bay) halkaas oo ku xidhnaa illaa iyo 09.April.1978-kii.

Wakhtigaas ka dib, illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e "Deelley" kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.

1-dii May 1982-kii ayuu tegey goobaha uu ka socdey halganka Mucaaradka Soomaliyeed ee ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee la odhan jirey S.N.M oo loo soo gaabiyey (Somali National Movement). Wuxu halkaas ka galay halgan siyaasadeed, suugaaneed, wadaniyeed iyo mid xoriyadeedba. Allena wuu ku guuleeyey kaas, haddana wuxu ku jiraa halgan kale oo nabad, caddaalad iyo midnimo doon ah.

---------------------

II.

Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) waa hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood. Maansadiisu waa dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo. Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo,

Wuxuu Hadraawi la jaal yahay dadka maxaysatada ah iyo kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba, dhaca, yasa, xaqira, dadka is waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga.

Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu saameeyo umadda, waa ileyska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa hadheeyo, waa mid ka talisa aayaha ummada Somaliyeed, waa kala hagga ummada Somaliyeed, xagkasta oo la eego, hadday tahay laba jacayl lagu kala furdaaminayo iyo laba dagaal lagu kala dhaqaajinayo, laba gar loogu naqayo, laba wax qaybsanaysa oo loogu kala saami tuurayo, qof wax dulmiyaya oo loo sheegayo waxa uu qaldaayo, dhinnac kasta oo ummadu ka jilic san tahay hal-abuurnimadiisu way ka soo gashay. Waxa Hadraawi yahay qarnigan aynu joogno ninka keliya ee Somali u siman aan marnaba ka talin in uu hal abuurnimadiisa ku caayo reer, kun dulmiyo dad, ku yaso ama xaqiro qof ama dad.